Soomaali badan oo ku sugan Jarmalka ayaa dareema caqabado marka ay la macaamilayaan nidaamka caafimaadka ee dalka. Xeerar adag, luuqad qalaad, iyo habab kala duwan oo aan lagu soo baran dalkeenna ayaa sabab u noqda in dad badan aysan helin daryeel caafimaad oo sax ah ama ay dib u dhigaan raadinta adeeg caafimaad. Maqaalkani wuxuu sharxayaa sida nidaamka caafimaadku u shaqeeyo, noocyada caymisyada, sida ballamo loo helo, iyo xaqiiqooyin kale oo muhiim ah si bulshada Soomaaliyeed uga faa’iidaysato nidaamkan si buuxda.
Waa sidee nidaamka caafimaadka ee Jarmalka?
Jarmalka waxa uu leeyahay nidaam daryeel caafimaad oo aad u horumarsan, waana mid dadka ku nool waddanka ay xaq u leeyihiin – ha ahaadeen muwaadiniin, qaxooti ama dad haysta oggolaansho kale. Nidaamkan wuxuu ku saleysan yahay laba qaybood:
1.Caymiska caafimaadka ee guud (gesetzliche Krankenversicherung – GKV); dadka intooda badan waxay ku jiraan caymiskan, gaar ahaan kuwa mushaharka qaata ama shaqaalaha ah.
2.Caymiska gaarka ah (private Krankenversicherung – PKV); tani waa doorasho u furan dadka dakhliga sare leh ama iskood u shaqaysta.
Caymiska caafimaadka (Krankenversicherung) waa waajib qof walba oo Jarmal ku nool, waxaana inta badan looga bixiyaa si toos ah mushaharkaaga. Haddii aad shaqo la’aan tahay, caymiskaaga waxaa bixinaya jobcenter ama sozialamt.
Sidee loo doortaa ama loo helaa caymis caafimaad?
Markaad Jarmal timaaddo oo aad hesho oggolaansho sharci ah, waxaa muhiim ah inaad degdeg ula xiriirto shirkad caymis caafimaad (AOK, TK, Barmer, DAK iwm). Waa inaad iska diiwaangelisaa si aad u hesho kaadh caafimaad (Gesundheitskarte) oo kuu sahlaysa inaad tagto dhakhtar.
Talo:
Soomaali badan ayaa doorbida AOK ama TK, sababtoo ah waxay bixiyaan adeegyo badan, qaar ka mid ahna waxay leeyihiin turjubaanno ama shaqaale ku hadla luuqado kale.
Sidee ballan dhakhtar loo helaa?
Inkastoo adeega caafimaadka uu yahay mid la heli karo, helitaanka ballan mararka qaar way adkaan kartaa. Waxaa muhiim ah inaad:
1. Wacdo dhakhtarka guud/guriga (Hausarzt ama dhakhtar gaar ah)
2. Adeegsato baraha online-ka ah sida Doctolib ama 116117.de
3. U tagto dhakhtarkaaga guud (Hausarzt), kaasoo kuu gudbin kara dhakhaatiir kale (Facharzt)
Tusaale:
Haddii aad leedahay xanuun ku saabsan kelyaha, marka hore waxaad tagaysaa dhakhtarka guud, ka dibna isaga/iyada ayaa kuu qoraya warqad kuu ogolaanaysa inaad tagto dhakhtar takhasus leh (Nephrologe).
Maxaa lagu bixiyaa caymiska caafimaadka?
Caymiska caafimaadka guud wuxuu daboolaa:
1.Booqashada dhakhtarka guud iyo dhakhaatiirta takhasuska
2.Daawooyinka laguu qoro (oo aad ka qaadato farmasiyada– Apotheke)
3.Daryeelka isbitaalka
4.Baaritaanno caafimaad
5.Talaalka
6.Daryeelka ilkaha (heer xadidan)
Ogow: Dawooyinka oo dhan lama daboolo, mararka qaar waxaad bixisaa lacag yar oo ah Zuzahlung (sida 5–10 yuuro daawooyinka qaar).
Turjubaan ma la heli karaa?
Mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee horyaalla Soomaalida waa luuqadda Jarmalka, taas oo laga yaabo in aysan si fiican u fahmin. Qofka caafimaadkiisu halis ma gelayo haddii uu wax fahmi waayo, sidaas darteed:
1.Waxaad xaq u leedahay turjubaan haddii aad si buuxda u fahmi weydo
2.Xarumaha qaarkood waxay leeyihiin shaqaale Soomaali ama Carabi ku hadla
3.Waxa kale oo jirta adeegyo turjubaan online ah oo dhakhaatiirtu adeegsadaan
Talo:
Isku day inaad la tagto qof aad ku kalsoon tahay oo ku tarjumaya, haddii aad ballan leedahay oo aadan fahmeyn Jarmal.
Carruurta, haweenka uurka leh, iyo dadka waayeelka – maxaa gaar u ah?
Carruurta waxay helaan adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah, sida talaalka, baadhitaan joogto ah (U-Untersuchungen) iyo daryeelka ilkaha.
Haweenka uurka leh waxay helaan:
1.Baaritaanno joogto ah
2.Daaweyn bilaash ah
3.Kalkaaliso uurka (Hebamme)
4.Dhalmada isbitaalka
Dadka waayeelka ah waxay u baahan karaan adeegyo daryeel (Pflege), taas oo la codsan karo marka qofku u baahdo gargaar joogto ah.
Marka degdeg loogu baahdo dhakhtar: Maxaa la sameeyaa?
Waxaa jira dhowr xaaladood oo degdeg ah:
1.Haddii aad xanuunsato xilli habeen ah ama maalmaha fasaxa; wac lambarka 116117 si aad u hesho dhakhtar furan.
2.Xaalad aad u daran (Notfall); wac 112 si loogu keeno ambalaas.
3.Farmashiyo habeenkii furan (Notdienst):waxaa laga heli karaa www.aponet.de ama taleefoon-ka (waxaad ka helaysaa isla bogaas).
Waa maxay Pflegeversicherung?
Marka aad caymis caafimaad leedahay, waxaad si toos ah ugu jirtaa caymiska daryeelka (Pflegeversicherung). Tani waa marka qofka uu waayo awood uu isku isdaryeeli karo – waxaa markaas lagu caawin karaa lacag ama shaqaale daryeelaya.
Caafimaadka dhimirka ama maskaxda – Ma la helaa caawimaad?
Dadka Soomaaliyeed badankooda waxa ay ka fogaadaan la hadalka caafimaadka maskaxda. Hase yeeshee, Jarmalka wuxuu leeyahay adeegyo la xiriira:dhaqaatiirta cilminafsiga (Psychologen).
Waxaa muhiim ah inaad ka baqin ama aanad ka fogaan la xiriirka dhakhtar haddii aad dareento walbahaar ama hurdo la’aan joogto ah.
Nidaamka caafimaadka ee Jarmalka waa mid furan, ballaaran, oo dadka danta yar iyo dadka ajnabiga ahba ka faa’iidaysan karaan. In kastoo ay jiraan caqabado luuqadeed iyo faham la’aan, haddana waxaa jira fursado badan oo qofka Soomaaliyeed uu si fiican ugu heli karo daryeel caafimaad oo tayo leh. Waxaa muhiim ah in laga feejignaado in caafimaadka qofka dayac la galiyo, iyadoo la helayo caymis, ballamo iyo turjumaan haddii loo baahdo.
Caafimaadku waa hanti, ee ha dayacin!
0 Comments