Qormadan waxaan si kooban ugaga hadli doonaa sida loo codsado kaalmooyinka bulshada ee Jarmalka iyo waxyaabaha muhiimka ah ee la tixgeliyo.Waxaad wax ka ogaan doontaa kaalmada kugu haboon markaad xaaladaada dib u fiiriso iyo sidii aad si habsami leh ugu hawl gali lahayd inaad codsato.
Sidaan ognahay Jarmalka wuxuu leeyahay nidaam daryeel bulsho oo baaxad leh oo taageera dadka ku sugan xaalado adag – sida shaqo la’aanta, dakhliga hooseeya, waxbarashada, xanuunka ama marka carruur la dhalo.
1. Kaalmo noocee ah baad u baahantahay ama kugu habboon?
Marka hore waa inaad fahantaa kaalmo noocee ah ayaad xaq u leedahay. Kaalmooyinka caanka ah waxaa ka mid ah:
Bürgergeld – caawimo dhaqaale oo la siiyo dadka aan shaqo haysan ama aan haysan wax dakhli ah
Wohngeld – kaalmo guri oo la siiyo dadka dakhligoodu hooseeyo
BAföG – caawimo waxbarasho oo la siiyo ardayda iyo qaar ka mid ah dugsiyada sare
Kindergeld / Elterngeld – lacag la siiyo qoysaska carruurta leh
Sozialhilfe – kaalmo bulsho oo la siiyo dadka aan helin Bürgergeld
Pflegeleistungen – kaalmooyin la siiyo dadka daryeel u baahan
Xafiisyo kala duwan ayaa arimahan masuul ka ah, waxayna ku xirnaanaysaa ama la tixgalinaya xaaladdaada gaarka ah.
2. Diyaarinta dukumentiyada
Dhamaan codsiyada waxay u baahan yihiin dukumentiyo caddeynaya xaaladdaada. Caadiyan waxaa lagaa rabaa:
Aqoonsi sax ah (tusaale: baasaboorka ama ID Jarmal) iyo caddeynta deganaanshaha
Heshiiska kirada iyo qiimaha kirada ee hadda
Caddeymaha dakhliga (tusaale: warqadaha mushaharka ama heshiiska shaqada)
Akawnka bangiga (3 bilood ee ugu dambeeyey)
Caddeyn ku saabsan caymisyada iyo hanti kasta oo jirta
Dukumentiyo kale oo kuxiran nooca codsiga (tusaale: caddeynta waxbarashada haddii aad codsaneyso BAföG)
3. Sida loo codsado: online, qoraal ama qof ahaan si toosa,
Waxaa jira siyaabo kala duwan oo loo codsado:
Online: tusaale ahaan, Bürgergeld waxaa laga codsan karaa jobcenter.digital
Qoraal ahaan: waxaad foomka daabacan oo aad buuxbuuxisay u diri kartaa boosto (per Post)
Qof ahaan: waxaad booqan kartaa xafiiska (mararka qaar waa in ballan la sii qabsada)
4. Ka faa’iidayso la-talinta hawsha aad u baahantahay
Marka aad codsanayso markii ugu horreysay, waxaa si weyn lagugula talinayaa inaad ka faa’iidaysato xarumaha la-talinta, kuwaas oo kaa caawin kara buuxinta foomamka iyo diyaarinta dukumentiyada. Waxaa ka mid ah:
Caritas, AWO, Diakonie – la-talin bulsho oo bilaash ah
Xarumaha ardayda (Studierendenwerk) – BAföG iyo caawimooyin kale oo ardayda ah
Xafiiska degmada.
5. Sugitaanka go’aanka
Marka codsiga la gudbiyo, hay’addu waxay bilaabaysaa baaritaan, taas oo qaadan karta toddobaadyo. Haddii lagu ansixiyo, waxaad heli doontaa warqad oggolaansho ah oo caddeyneysa lacagta iyo muddada. Haddii lagu diido, waxaad leedahay 1 bil si aad u gudbiso cabasho rasmi ah (Widerspruch).
Xusuusnow: kaalmada waxaa la bixiyaa kaliya laga bilaabo bisha aad codsiga samaysay, mana noqon karto mid dib u dhac ah. Sidaa darteed, ha sugin – tallaabo qaado si dhakhso leh.
Gunaanad
Codsashada kaalmada bulshada ee Jarmalka waxay u baahan tahay diyaar garow iyo dulqaad. Haddii aad si wanaagsan u fahanto waxa lagaa rabo, aad diyaarsato dukumentiyada lagama maarmaanka ah, isla markaana aad raadiso la-talin, waxaad si fudud u heli kartaa taageerada aad u baahan tahay.
Haddii aad rabto in arin ku saabsan arimaha aan kor kusoo xusnay lagaa caawiyo si hufan oo bilaa turxaan ah, ama aad hayso su'aalo ku saabsan arimahan iyo wixii lamida, waxaad nagala soo xiriiri kartaa qaybta comment-ga.
0 Comments