Amira waa haweenay ka timid Afghanistan oo saddex sano ka hor ka carartay xukunka Taliban. Waxay rajeynaysay nolol ammaan ah iyo mustaqbal ifaya, waxayna nolosheeda dib uga dhistay magaalada Offenbach ee gobolka Hessen, halkaas oo ay ka shaqeyn jirtay xarun xanaanada carruurta ah (Kita).
Laakiin subax hore, ayaa noloshii ay dhistay si lama filaan ah isku badashay. Si lama filaan ah ayay boolisku u yimaadeen subaxii, waxaana si degdeg ah loogu masaafuriyey dalka Lithuania, oo ah waddankii ay markii hore magangelyada ka heshay ka hor intii aysan u soo guurin Jarmalka.
"Ma imaan karo maanta. Booliska ayaa jooga," ayay ahayd farriinta codka ah ee ay u dirtay mid ka mid ah asxaabteeda shaqada, waana hadalkii ugu dambeeyay ee laga maqlay ka hor inta aan la qaadin. Amira waxay kasoo jeeddaa dalka Afghanistan, waxaanay sheegtay in dalka Lithuania ay ka heshay sharci deggenaansho iyo oggolaansho shaqo, balse fursad aanay ka helin. Sidaas darteed ayay u timid Jarmalka sanadkii 2022. Waxay baratay af Jarmalka, kadibna waxay shaqo ka heshay xarunta xanaanada carruurta ee "Die Krabbelstubb". Maamulayaasha xarunta waxay sheegeen in markii hore ay aad ula dhaceen codsigeeda, inkasta oo ay shakisanayeen, balse markay shaqada bilowday waxay noqotay qof shaqo wanaagsan qabta, kalgacal badan leh, oo si fiican ugu hadasha afka Jarmalka.
"waxay ahayd qof naxariis badan, dadaal badan, oo af Jarmal fiican ku hadasha, oo aad ula qabsatay carruurta iyo shaqada," ayay tiri Hanna Fischer, oo ah masuul ka tirsan Kita-da. Amira waxay ka soo baxday jaamacad ku taal Afghanistan oo ay ka baratay cilmiga barbaarinta ubadka. Jarmalka waxay ku jirtay sanadkeedii labaad ee tababarka xirfadeed – oo ah tillaabada ugu dambeysa ee ay si rasmi ah ugu noqon lahayd barbaariye la aqoonsan yahay.
Nasiib darro, go’aanka lagu masaafuriyey waxa uu ku salaysnaa in ay horey uga heshay magangelyo Lithuania. In kasta oo ay shaqeyneysay, afka baratay, oo bulshada si buuxda ula qabsatay – taasi wax saamayn ah kuma yeelanin go’aanka BAMF. Hay’adda BAMF waxay sheegtay in shaqada, luqadda iyo isdhexgalka bulshada aysan saameyn ku lahayn go’aanka codsiga magangelyada. Waxa la eegaa kaliya haddii qofka khatar ugu jiro in dalkiisa loo celiyo.
Amira hadda waxay ku sugan tahay xero qaxooti oo ku taal Lithuania iyadoo la joogta walaalkeed. Xaaladda waa adag tahay, naf ahaana way niyad-jabsan tahay. Waxayna tiri iyadoo la hadlaysa warbaahinta “waan daalay, ma fahmayo sababta loo diiday in aan sii joogo, inkastoo aan si wanaagsan ula qabsaday bulshada.”
Xarunta ay ka shaqaynaysay ayaa wali taageero u muujinaysa. Maamulayaasheeda waxay sheegeen in ay baarayaan dhamaan suurtagalnimada sharci ah oo ay dib ugu soo celin karaan Amira si ay u dhammeyso tababarkeedii macallinimo.
Maamulka Kita-da waxay weli wadaan dadaallo ay ku eegayaan sidii ay ku heli lahayd waddo sharci ah oo ay ku soo laaban karto, isla markaasna ay u dhamaysan karto tababarkeedii. Bastian Klinzing waa maamulaha xarunta ay ka shaqaynaysay Amira, isaga oo ka hadlaya arinta Amira wuxuu dhahay "qof aan u baahan nahay, oo ay carruurtu la qabsadeen, lagana masaafuriyo sabab uusan gacantiisa ku keenin – waa niyad jab weyn,"
Amira wali ma lumin rajada, waxayna tiri "waxaan rajeenayaa in aan dib ugu soo laaban karo. Waxaan doonayaa in aan dhameeyo waxbarashadeyda, taasi weligeed waxay ahaan doontaa riyadayda."
Magaca Amira waa magac been abuur ah si loo ilaaliyo aqoonsigeeda dhabta ah.
0 Comments