Tirada carruurta ku celisa fasalka koowaad ee dugsiyada hoose ayaa si isa soo taraysa u kordheysa. Xog ururin cusub oo ay samasysay ARD ayaa muujinaysa arintan,waxaana xog ururinta lala yeeshay ku dhowaad 7,000 oo macallimiin ah. Sida laga helay natiijooyinka, ardayda fasalka koowaad ayaa maanta leh dib-u-dhac waxbarasho oo ka badan kii jiray toban sano kahor.
Dugsiga Gräfenauschule ee magaalada Ludwigshafen ayaa si cad u muujiyay dhibaatadan. Eva-Maria Wenz oo macalimad fasalka koowaad ah, ayaa sheegtay in carruur badan aysan lahayn xirfadaha aasaasiga ah ee loo baahan yahay,si ay si fiican ugu bilaabaan waxbarashada. Qaar waxay la tacaalayaan qalin qabsashada, halka kuwa kalena ay markii ugu horreysay isku dayayaan in ay magacooda qoraan.
Wenz ayaa tiri "Waxaad si cad u dareemeysaa marka carruurtu aysan xannaano tegin,". Waxay sheegtay in arday badan aysan awoodin inay si fiican u feejignaadaan, ama u isticmaalaan maqas, ama agabkooda uga soo saaraan boorsada si habsami leh. Waxaas oo dhami waxay caqabad ku yihiin waxbarashada.
Guud ahaan dalka, saddex meelood meel carruurta waxay leeyihiin asalka qaxootinimo ama socdaal. Dhib kale oo ka taagan dugsiga Gräfenauschule ayaa ah, in ku dhowaad 98% ardayda ay yihiin carruur asal ahaan kasoo jeeda qoysas muhaajiriin ah ama waxbarashada aan muhiimad siin. Carruur badan ayaa si liidata ugu hadla afka Jarmalka, taas oo caqabad weyn ku ah is-dhexgalka dugsiga.
Macallimiintu waxay dalbanayaan in la helo taageero dheeri ah iyo barnaamijyo kor u qaada waxbarashada, si loo yareeyo dhibaatooyinka jira loona siiyo dhammaan carruurta fursad wanaagsan oo ay wax ku bartaan.
Maxaa la gudboon waalidiinta Soomaalida ah ee dagan wadankan, si ay dhibaatooyinkaas uga caawiyaan carruurtooda?
Hoos ku reeb fadlan aragtidaada.
Mahadsanid!
0 Comments