Dowladda federaalka ee Jarmalka ayaa qaaday tallaabooyin cusub oo lagu xoojinayo ilaalinta haweenka ka soo kabanaya rabshadaha qoyska, gaar ahaan kuwa ka yimaada lamaanahooda ama lamaanayaashoodii hore (ex-partner)
Wasiiradda cusub ee caddaaladda, Stefanie Hubig, ayaa khudbadeeda ugu horreysay ee Baarlamaanka ku sheegtay in qof kasta oo garaaca lamaanihiisa aan loo oggolaan doonin inuu si sahlan uga badbaado caddaaladda. Hubig waxay intaas ku dartay in rabshadaha qoyska ay khatar weyn ku yihiin carruurta ku barbaarta guryahaas, sidaas darteedna loo baahan yahay in si buuxda loo tixgeliyo arrintan marka la go'aaminayo xuquuqda daryeelka iyo booqashada carruurta.
Tirakoobka cusub ee sanadkii 2023 ayaa muujinaya in in ka badan 180,000 oo haween ah iyo gabdho ay noqdeen dhibbanayaal rabshado qoyska dhexdiisa ah – waana kaliya kiisaska la soo wariyay. Waxaa la aaminsan yahay in tiro ka intaas ka badan ayna dacwo gudbin cabsi darteed.
Dowladda ayaa sidoo kale qorshaynaysa in la hirgeliyo qalabka elektarooniga ah ee “moodelka Isbaanishka”, kaasoo qofka rabshadaha geysta lagu xirayo qalab lagu ogaan karo meesha uu joogo, halka dhibbanahana uu wato qalab digniin siinaya marka uu ku soo dhowaado. Tallaabadan ayaa lagu xoojinayaa ilaalinta amniga haweenka iyo korjoogteynta xadgudubyada amar-diiddo.
Afhayeenka siyaasadda sharciga ee xisbiga guruunka (Die Grünnen), Helge Limburg, ayaa taageeray qorshahan balse sheegay in hubinta tiknoolajiyadda iyo ilaalinta xogta ay yihiin arrimo mudan in si taxaddar leh loo wajahayo.
Khubarada arrimaha bulshada waxay sheegayaan in xal waara uu yahay in la bilaabo wacyigelin iyo barbaarin hore – gaar ahaan in ardayda lagu baro ixtiraamka jinsiga iyo maaraynta xanaaqa, si loo yareeyo rabshadaha mustaqbalka.
0 Comments