Wasiirka caddaalada ee dawlada Jarmalka Stefanie Hubig ayaa sheegtay, in qof kasta oo garaaca lammaanihiisa uu fisho inuusan ilmahiisa mar dambe arki doonin – ama haddii uu arko, ay tahay in qof saddexaad la joogo. Ilaa hadda, xeerka Jarmalku wuxuu oggol yahay in la xaddido xuquuqda waalidnimo ama la joojiyo kaliya marka ilmuhu si toos ah u la kulmo rabshad – laakiin ma khusayso marka rabshaddu ku dhacdo hooyada ama aabbaha.
Hubig waxay sheegtay in xitaa rabshadda maskaxda ah, sida aflagaadooyin culus ama hanjabaado, ay noqon karaan sabab sharciyeed oo lagu xaddido ama lagu joojiyo xuquuqda waalidnimo. Waxay tiri: "waa inaan si cad sharciga ugu qeexnaa marka rabshad loo geysto waalidka (hooyada), waa in la xaddidi karo ama gabi ahaanba laga joojin karo waalidkaas (aabaha) inuu la kulmo ilmaha, sababtoo ah ilmaha wuu la xanuunsadaa marka aabbuhu hooyada garaaco."
Si kastaba ha ahaatee, weli lama caddeyn sida loo hirgelin doono qorshahan marka ay labadaba waalidku iyo ilmahu ku wada nool yihiin guriga.
Xaquuqda kirada guryaha iyo badbaadinta dhibbanayaasha! Hooyooyinka
Hubig sidoo kale waxay sheegtay in haweenka la kulma xadgudubyo xaga qoyska ay u baahan yihiin in si degdeg ah looga saaro heshiisyada kirada ee ay la galeen lammaanayaashooda. "Qofka la kulma rabshad dhanka qoyska ah waa inuu si degdeg ah uga bixi karaa heshiiska kirada ee ay wada galeen – xitaa haddii lammaanihii hore uu diido,". Badanaa haweenku waxay rabaan inay nolosha ka bilaabaan meel cusub, laakiin arrintaasi waxay noqotaa mid adag oo waqti dheer qaadata.
Waxaa kale oo wasiiir Hubig ay sheegtay in aysan ku filnayn in maxkamadaha qoyska ay kaliya amraan xirashada qalabka raadraaca (footfessel). Sidaas darteed, dowladda Federaalka waxay qorsheyneysaa inay maxkamadaha awood u siiso inay ku amraan tababaro ku aadan ka-hortagga rabshadaha qoyska (Anti-Gewalt-Training) oo la siinayo dadka ku kaca xadgudubyada.
0 Comments