Jarmalku weli waa waddan dad badan u soo guuraan, waxaanay taasi ka muuqataa tirakoobka dadka. Sababo la xiriira dadka soo guuray ama soo dagay wadanka, tirada dadka Jarmalka ku nool ayaa markale korodhay sannadkii 2024 – iyadoo gaartay heerkii ugu sarreeyay abid.
Waxaa hadda ku nool Jarmalka ku dhowaad 83.6 milyan oo qof, taasoo ah tiradii ugu badnayd abid. Sannadkii hore dadka ayaa kordhay boqolkiiba 0.1 ama 121,000 qof, sida uu sheegay xafiiska tirakoobka federaalka. Korodhkan iyo sida kii sanadkii ka horreeyay, wuxuu ka dhashay dad badan oo dalka u soo guuray marka loo eego kuwa ka baxay.
Si kastaba ha ahaate korodhka dadka uma uu sii xoogganayn sidii 2023, markaas oo ay dadka kor u kaceen boqolkiiba 0.3 ama 338,000 qof. Inkastoo 2022 lagu qiyaasay tirada dadka inay gaaraysay 84 milyan, haddana tirakoobka (Zensus) isla sanadkaas ayaa caddeeyay in tiradu ahayd 82.7 milyan.
Korodhka dadka sannadkii hore wuxuu si gaar ah ugu xoogganaa galbeedka Jarmalka, halkaas oo dadka ku kordheen 0.2%. Laakiin bariga Jarmalka marka laga reebo Berlin – tirada dadka ayaa hoos u dhacday 0.3%.
Gobolada korodhkoodu sare u kacay iyo kuwa hoos u dhacay.
Gobolka bayern ayaa diiwaangeliyay korodhka ugu weyn ee dadka +73,000 qof. Marka loo eego tirada guud ee dadka, bayern, berlin iyo hamburg ayaa ah meelaha ugu badan ee dadka cusub ku soo biireen (+0.6%).
Dhinaca kale gobolka Thüringen ayaa lumiyay dad gaaraya 15,000, halka Sachsen uu lumiyay 12,000, iyo Sachsen-Anhalt oo ay ka tageen 9,000 qof.
Dadka waayeelka ah oo sii badanaya
In ka badan 30% dadka Jarmalka ku nool waxay ka weyn yihiin 60 sano. Tirada dadka u dhaxeeya 60 ilaa 79 sano ayaa korodhay 2.2%, halka dadka da’doodu u dhaxayso 40 ilaa 59 sano ay hoos u dhaceen 1.4%. Sababta ugu weyn ayaa ah in dadkii dhashay 1964 (dhalashada ayaa badnayd waqtigaas) ayaa u wareegay kooxda dadka waayeelka ah.
Tirada dadka ajaanibta ah oo korodhay
Isbedelka ugu weyn wuxuu dhacay dhanka dadka aan haysan dhalashada Jarmalka. Tiradooda ayaa korodhay 2.3%, iyagoo gaaray 12.4 milyan. Dhanka kale, tirada dadka Jarmalka u dhashay ayaa hoos u dhacday 0.2% iyadoo noqotay 71.2 milyan. Sidaas darteed saamiga dadka ajaanibta ah ayaa kor uga kacay 14.5% ilaa 14.8%.
Sida sanadkii hore oo kale, dadka asal ahaan ka soo jeeda Turkiga ayaa ah kuwa ugu badan ee aan heysan dhalashada Jarmalka (1.403 milyan). Waxaa ku xiga dadka ka yimid Ukraine (1.085 milyan), Syria (889,000), Romania (771,000) iyo Poland (723,000).
0 Comments