Qof kasta oo bini’aadam ah wuxuu jirkiisa leeyahay ama kujira in ka badan 200 kiimiko oo aan caadi ahaan jirka loogu talagalin. Waxaa ka mid ah: walxaha jilciya balaastigga, qaybo balaastiig ah, biraha culus ee rinjiga ku jira, walxaha looxyada guryaha lagu farsameeyo iyo walxaha dabka u adkaysta ee roogagga dhulka kujira.
Daraasadd ay hay'adda deegaanka Jarmalka samaysay ayaa waxay muddo 40 sano ah ururinaysay xog muhiim ah oo ku saabsan sunta jirka gasha. Kaliya xogtan darteed ayay suuragal u noqotay in kiimikooyin badan la mamnuuco.
Marike Kolossa oo ka tirsan xafiiska deegaanka Jarmalka (UBA) waxay tiri: “waxaan adeegsaneynaa ilaa 100,000 kiimiko oo kala duwan,isla markaasna qayb weyni waxay ku dambeysaa jirka bini’aadamka.” Maadooyinkaasina waxay jirka u galaan qaabab kala duwan, sida iyadoo la neefsado, ama cuntada lasocota ama xitaa la mariyo maqaarka jirka bini'aadamka.
Inkasta oo aan la ogayn inta kiimiko ee khatarta ah ee maalin walba gasha jirkeena, haddana dad badan ayaa maanta fahamsan in suntaasi caafimaadka waxyeello u leedahay. Waxaana cadayn u ah cabbirro joogto ah oo la sameeyay muddo 40 sano ah, oo lagu daabaco "daraasadda deegaanka ee Caafimaadka Jarmalka (GerES)".
Bilowgii Daraasadda
Sannadkii 1985 dadku waxay ka walwalayeen roobab aashito ah, geedaha dhimanaya, sunta hawada ku jirta sida dioxin, iyo gaaska baabuurta. Si loo ogaado in khatartu tahay mid dhab ah, cilmi-baarayaal ka tirsan hay’adda caafimaadka Jarmalka ayaa bilaabay xog ururin qaran – waxay qaadeen dhiig, kaadi iyo timo iyagoo laga qaaday dadka magaalooyinka iyo tuulooyinka kunool.
Tusaale: Dhiigga oo Leh Sun
Markii ay qiimeeyeen biraha culus sida mercury, cadmium iyo lead, waxay ogaadeen in heerka lead-ka uu aad u sarreeyo – taas oo la arkay in heer marka uu gaaro xoolaha lagu arko calaamado sun ah. Waxaa la ogaaday in lead-ku ka yimid shidaalka baabuurta oo markaas lead lagu darayay. Natiijada daraasadda darteed ayaa dowladdu mamnuucday lead-ka shidaalka sannadkii 1988.
Isbeddelada ka dhashay xogta cilmi-baarista.
Natiijooyinka kasoo baxay daraasadda ayaa keenay in la mamnuuco walxo badan oo la isticmaali jiray sida, tuubooyinka biyaha ee lead-ka ah ama ka samaysan, walxaha lagu hagaajiyo ama lagu farsameeyo alwaaxyada waa laga saaray kiimikooyinka kansarka keena, carruurta looma isticmaalo xabagaha ilkaha ee mercury-ga leh, kiimikooyinka jilicsan sida DEHP waa laga mamnuucay alaabta carruurta.
Caafimaadka iyo Sharciyeynta
Kolossa waxay sheegtay in sharciga kiimikada ee Yurub yahay midka ugu wanaagsan dunida, laakiin hirgelintiisu ay qaadato waqti dheer. Inkastoo EU-du dooneyso in ay dhammaan sunta ka saarto deegaanka illaa 2050-ka, balse hadafkaasi weli aad ayuu uga fog yahay.
Isbeddelka Waqtiyadii Dambe
Inkasta oo filtarrada warshadaha iyo baabuurta keeneen hawo nadiif ah, haddana dhibaatooyin cusub ayaa yimid sida dadku waxay adeegsadaan cadarro guriyeed iyo walxo keeni kara xasaasiyada, isticmaalka balaastigga wuu batay tusaale ahaan isticmaalku sanadkii 1950-kii 2 milyan tan ,ilaa 400 milyan tan ayuu gaaray sanadkii 2023-ka, taasoo cadaynaysaa in 200 jeer u laba jibaarmay isticmaalku. Sidoo kale kiimikooyinka aan burburi karin (PFAS) waxay ku jiraan dhar, digsiyada jikada, iwm – waana kuwo dhibaato ku caafimaadka jirka bini'aadamka.
Waxaa sidoo kale la xusay in qofka cuna cuntooyinka fast food-ka ah u dhiigiisu leeyahay sun badan, sida sunta cayayaanka lagu lagu laayo, marka loo eego qofka cuna cuntooyinka dabiiciga ah.
Daraasadda Cusub
Natiijada ayaa lagu wadaa in la daabaco baaritaanka ugu dambeeyay ee daraasadda deegaanka ee Jarmalka. Si ka duwan sidii 1985, markan cilmi-baarayaashu waxay raadinayeen 200 kiimiko oo dhiigga iyo kaadida 1,500 ka qaybgalayaal ah. Intaa waxaa dheer, waxay ururiyeen muunado hawada guryaha ah iyo boodhka ama buska guryaha dadka ka qaybgalay. Kadibna waxaa la sameeyay wareysiyo ku saabsan qaab nololeedkooda. Xog aad u badan ayaa sidaas lagu helay, taasoo haatan la falanqeynayo, isla markaasna la soo saari doono natiijada kasoo baxday qaybta danbe ee daraasada, si loo ogaado sida aan sunta uga ilaalin karno jirkeena.
1 Comments
Masha allaah maclumad waxyar leh
ReplyDelete