Header Ads Widget

Responsive Advertisement

Dawladda Jarmalka oo ka fiirsanaysa dib usoo celinta adeegga waajibaadka ciidan ee wadanka (Wehrpflicht)

Wasiirka gaashaandhigga Jarmalka Boris Pistorius ayaa dhawaan ku dhawaaqay qorshe cusub oo lagu xoojinayo ciidamada Jarmalka, kaas oo qeyb ka ah dib u eegis lagu sameynayo adeegga ciidamada ee dalkiisa. Qorshahan cusub wuxuu si gaar ah uga hadlayaa sidii mar kale loo soo celin lahaa adeega ciidanka (Wehrpflicht), ama adeegga qasabka ah ee ciidamada, haddii nidaamka cusub ee ku dhisan iskaa-wax-u-qabso aanu guuleysan.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii la ogaaday in ciidamada Jarmalka ay aad u tabar yaraanayaan, gaar ahaan dhinaca tirada askarta, waxaana dowladda Jarmalka ay wajahaysaa culeysyo amni oo ka dhashay colaadda Ukraine iyo xaaladda amni ee guud ee Yurub.


Maxaa cusub?

Wasiir Pistorius wuxuu sheegay in dhalinyarada ragga ah ee da’doodu u dhaxayso 18 ilaa 23 sano la dirayo foom la xiriira diyaarintooda iyo caafimaadkooda, si loo qiimeeyo in ay u qalmaan adeegga ciidamada. Dumarku waxay fursad u heli doonaan inay si ikhtiyaari ah uga qeyb qaataan, lagamana  dhigi doono waajib qasab ah inay adeegaas ka qaybgalaan. Ujeeddada ugu weyn waa in la abuuro nidaam cusub oo dhalinyarada lagu dhiirrigeliyo inay si iskaa-wax-u-qabso ah uga mid noqdaan ciidamada ama keydka ciidamada, iyadoo aan markiiba qasab laga dhigin.

Haddii nidaamkaasi fashilmo, dowladdu waxay la iman doontaa sharci qasab ah oo dib loogu soo celinayo adeega ciidanka (Wehrpflicht), si dalka loogu helo ciidan joogto ah oo diyaar u ah difaaca.


Xaaladda hadda ee ciidamada Jarmalka

Waxaa la og yahay in ciidamada Jarmalka, gaar ahaan qeybta keydka, ay ku jiraan tiro yar marka la barbar dhigo baahida dhabta ah:

  • Ciidanka firfircoon ee hadda jira wuxuu ka kooban yahay qiyaastii 181,000 askari.

  • Dowladda Jarmalka waxay rabtaa in la gaaro ugu yaraan 200,000 askari oo keyd ah, si marka loo baahdo ay u suurto gasho in si dhaqso ah loogu yeero ciidan cusub.

  • Tiro-koobka muujinaya in ugu yaraan 60,000 askari oo cusub loo baahan yahay sannadaha soo socda si loo buuxiyo baahida ciidamada.

Sidoo kale, tan iyo markii la joojiyay adeegga qasabka ah ee ciidamada sannadkii 2011, tirada ciidamada si tartiib tartiib ah ayay hoos ugu dhacday, taasoo abuurtay cabsi laga qabo mustaqbalka difaaca dalka.


Aragtiyada kala duwan ee siyaasiyiinta

Qorshahan cusub wuxuu keenay dood aad u weyn oo gudaha Jarmalka ah:

Kuwo taageersan:

Wasiir Pistorius wuxuu rumeysan yahay in haddii aan si degdeg ah loo xoojin ciidamada, Jarmalka uu wajihi karo halis weyn oo dhinaca amniga ah, maadaama Yurub ay ku jirto xaalad siyaasadeed oo kacsan. Xisbiyada midigta sida CDU iyo CSU waxay si cad u taageersan yihiin in la dhiso ciidan awood badan, haddii loo baahdana dib loo soo celiyo adeegan (Wehrpflicht), si ay dhalinyaradu u qaataan mas'uuliyadda difaaca dalkooda.

Kuwo kasoo horjeeda:

Xisbiga "die Linke" iyo xisbiyada qaar ee garabka bidix waxay si weyn uga soo horjeedaan qorshahan, waxayna u arkaan in adeegga qasabka ah uu ku xadgudbayo xorriyadda shakhsiga.

Waxa ay dalbadeen in dadka la waydiiyo ra'yigooda, iyadoo la abaabulayo afti qaran oo dhalinyarada lagu ogaanayo in ay taageersan yihiin dib u soo celinta adeegga ciidamada.

Sidoo kale, dadka qaar waxay qabaan cabsi ah in adeegga qasabka ah uu carqaladeyn doono waxbarashada dhalinyarada iyo noloshooda shaqo raadinta.


Dadweynaha maxay ka qabaan?

Sida ay sheegayaan ra'yi-ururinadii ugu dambeeyay:

Qiyaastii 54% dadka Jarmalka waxay taageersan yihiin in mar kale la soo celiyo adeegga qasabka ah ee ciidamada. Ragga iyo dadka da'doodu ka weyn tahay 50 sano ayaa u badan kuwa taageersan. Dhallinyarada u dhaxaysa 18 ilaa 29 sano badankood waxay ka soo horjeedaan, iyagoo sheegay in ay doorbidayaan nidaam ku dhisan ikhtiyaari.

Dad badan ayaa sidoo kale qaba in haddii la doonayo in la helo ciidan xoog leh, dowladda ay tahay in ay sare u qaaddo mushaharka, tayada tababarka, iyo xarumaha ciidamada, halkii dhalinyarada qasab looga dhigi lahaa.


Sababaha Jarmalku ugu baahday dib u eegista ciidanka:

Xaaladda dagaalka Ukraine waxay muujisay baahida ay dalalka Yurub u qabaan ciidan adag iyo iskaashi difaac. Isbeddelka siyaasadda amniga ee Yurub, iyadoo la og yahay in waddamada xuduudaha la leh Ruushka ay si xawli ah u kordhinayaan ciidamada. Dhanka kale NATO waxay ka dalbatay xulafadeeda in ay sare u qaadaan miisaaniyadda difaaca iyo diyaar garowgooda. Tan u danbaysa oo ah xusuusta taariikhda, gaar ahaan dhacdooyinkii dagaalkii qaboobaa iyo khibraddii hore ee Jarmalka, waxay dadka qaarkood ku qanciyeen in ay muhiim tahay in mar kale dalka yeesho ciidan adag.


Maxaa la filayaa mustaqbalka dhow?

Dowladda Jarmalka waxay rabtaa in qorshahan cusub uu dhaqan galo bisha Janaayo 2026. Haddii ay suurto gal noqoto in dhalinyarada si iskaa-wax-u-qabso ah uga qeyb qaataan ciidanka, ma jiri doonto adeeg qasab ah. Haddii ay guuldareysato, waxaa diyaarsan sharci dib u soo celinaya adeegga qasabka ah. Qorshuhu wuxuu mudnaan siinayaa tayada adeegga, dhiirrigelinta dhalinyarada, iyo in la abuuro nidaam ka jawaabi kara xaaladaha degdegga ah.


Gunaanad

Doodda la xiriirta dib u soo celinta adeegga qasabka ah ee ciidamada Jarmalka waa arrin khuseysa dhammaan shacabka, gaar ahaan dhalinyarada. Waxaa la og yahay in xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Yurub ay is bedeshay, taasoo keentay in waddamo badan oo Jarmalka ku jiro, ay dib u eegaan difaacooda.

Qorshaha wasiirka Gaashaandhigga wuxuu isku dayayaa in uu isu dheellitiro baahida ciidan xoog leh iyo ilaalinta xorriyadda shaqsiyaadka. Haddii nidaamka cusub ee iskaa-wax-u-qabso ah guuldareysto, waxaa suurto gal ah in la arko dib u soo celinta adeega ciidanka (Wehrpflicht) muddo dhow.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku sugan Jarmalka iyo dadka muhaajiriinta ah ayaa isha ku haya tallaabooyinka xiga, maadaama arrintani ay si gaar ah u saameyn karto mustaqbalkooda.




Post a Comment

0 Comments