Markii ugu horeysay tan iyo 2015-kii markii lasoo saaray sharciga mushaharka ugu yar ee wadankan Jarmalka, ayaa waxaa soo kordhay dadka shaqeeya ee isla markaasna qaata mucaawimada (Aufstocker) dawladda ee loo yaqaan Bürgergeld si ay noloshooda ugu maareeyaan.
Sida ay dowladda federaalku sheegtay, sanadkii tagay waxaa qiyaastii 826,000 oo qof oo shaqeeya ay heli jireen mucaawimo dhaqaale (Bürgergeld) dheeri ah si ay u daboolaan kharashaadka noloshooda. Kharashka lagu bixiyay mucaawimadan ayaa ka kordhay 6.19 milyan oo yuuro sanadkii 2023-ka illaa 6.99 milyan oo yuuro 2024-ka. Qoysaska ama lamaanaha wada nool oo mid kamid ah ahaa Aufstocker ayaa guud ahaan helay 11.61 milyan taageero dhaqaale ah sida xogta lagu sheegay.
Tan iyo 2015-kii oo ahayd markii la hirgaliyay sharciga mushaharka ugu yar, tirada Aufstocker-ku si joogta ah ayay hoos ugu dhacaysay, taasoo ilaa 1.2 milyan ay 2015-kii ahaayeen Aufstocker, balse ay 796,000 qof ilaa sanadkii 2023-kii hoos ugu soo dhaceen. Laakiin hadda hoos u dhacaasi ayaa istaagay, taasoo walwal gelisay dad badan.
Cem Ince oo ah xildhibaan ka tirsan xisbigga Die Linke, ayaa tiradan soo kordhay u arka calaamad cad oo muujinaysa baahida loo qabo in si weyn loo kordhiyo mushaharka ugu hooseeya. Waxuuna yiri: “waa wax aan la aqbali karin in boqolaal kun oo qof ay shaqaynayaan, haddana ay u baahan yihiin kaalmo dowladdeed.” Waxuu intaas ku daray " sidaas waxaynu ku taageereynaa mushaharooyin hooseeya oo dulmi ah, halkii aynu maalgelin ku samayn lahayn adeegyada daryeelka sida kalkaalinta iyo goobaha xanaanada carruurta, kuwaas oo fursad siin lahaa dad badan inay ka baxaan shaqada saacadaha nus-ka ah ay shaqeeyaan (Teilzeit).”
Mushaharka ugu hooseeya ee sharciga ah wuxuu markii hore ahaan jiray 8.50 yuuro saacadii 2015kii, hadda-na waa 12.82 yuuro. Guddida madaxa-bannaan ee qiimeeya mushaharka ugu yar (Mindestlohnkommission) waxay haatan ka doodayaan suurtagalnimada korodhsiimo cusub oo la sameeyo. Ra’iisul wasaaraha Jarmalka Friedrich Merz ayaa wuxuu sheegay in korodhsiin dhanka mushaharka ah oo gaadhaysa 15 yuuro saacaddii sanadka 2026 ay tahay mid la gaadhi karo oo la doonayo. Qodob ku saabsan kordhinta mushaharka ayaa sidoo kale ku jira heshiiska xukuumadda ee u dhexeeya CDU, CSU iyo SPD. Hase yeeshee, shaqo-bixiyeyaasha (Arbeitgeber) waxay sheegayaan in korodh 15 yuuro ah ay tahay mid tahay aad u sareeya.
Sida ay muujinayso daraasad ay samaysay hay'adda Bertelsmann Stiftung sanado kahor, ayay ku sheegtay in ku dhawaad kala bar Aufstocker-ka ay ka shaqeeyaan shaqooyin yaryar oo Minijobs ah. Qiyaastii laba meelood saddex meel dadka Aufstocker-ka ah waxay helaan mushahar aad uga hooseeya celceliska dalka . Tani waxay muujineysaa sida suuqa shaqada Jarmalku u yahay mid jajaban oo dadka qaar ay ku adag tahay in ay noloshooda si raaxo leh u maareeyaan.
0 Comments